Haddii dhinac dacwadda ka maqnaado muxuu ka qabaa Xeerka ICJ? Arrintu uma sahlana sida ay kula tahay!

0

(Nairobi) 14 Maarso 2021 – Kenya ayaa ka baxday dood-afeedka berri ka ballansan Maxkamadda ICJ kaddib markii sida ay sheegtay laga diidey in markii 4-aad dib loogu dhigo dhegeysiga dacwadda ”cudurka Covid-19 dartii”.

Haddaba, sharci ma tahay inay dacwaddu sii socoto oo weliba xukun ama go’aan sharci ihi kasoo boxo? Waxaa ka jawaabaya isla xeerka Maxkamadda ICJ gaar ahaan Qodobka 53-aad.

1 – Markasta oo dhinac ka tirsan kuwa is haya uu Maxkamadda hor iman waayo, ama uu ku guuldarraysto inuu kiiskiisa difaaco, dhinaca kale waxay Maxkamadda waydiisan karaan inay iyaga wax u xukunto.

2 – Maxkamaddu waa inay, kahor inta aanay sidaa yeelin, ku qanacdaa, in aan kaliya la eegin inay sharciyad u haysato go’aanka marka la eego Qodobbada 36 iyo 37, balse ay sheegashadu sal adag oo sharci ah leedahay.

Marka labada qodob la isku qabto, sheekadu uma sahlana sida ay dadku u fahmayaan, waayo midkoodna kuma qorna inuu si toos ah wax u helayo dhinaca jooga isagoo daliishanaya in dhinicii kale maqan yahay oo qura.

Weliba qodobka 2-aad waxaa ku jira shuruudo (clauses) siyaabo badan loo tafsiiri karo oo ay midi tahay inay Maxkamaddu dhinacyo badan wax ka xeerin karto si iskeed ah iyo tan 2-aad oo ah in dhinaca haray looga baahan yahay dood sharci ku fadhida iyo dood maangal ah oo ay garta ku heli karaan.

Hadalsame Media