(Creta) 13 Maarso 2021 – Ciidanka Cirka Sucuudiga ee RSAF ayaa mar dhowayd tegey dalka Giriigga si ay uga qayb galaan dhoollatus Gor Gor 1 la yiraahdo oo ay la sameeynayaan dhiggooda Giriigga.
Dayuuradaha F-15C ee Sucuudiga ayaa ka degey jasiiradda Crete kahor inta aanay Sucuudiga iyo Giriiggu aanay dhoollatus dhanka cirka ah ku samaynin hawada Badda Cad.
Ciidanka Cirka ayaa waxaa meesha ay joogaan ugu tegey Danjiraha Sucuudi u fadhiya Athens, Dr. Saad bin Abdulrahman Al-Ammar iyo saraakiil kale, iyadoo dhoollatuskan la sheegay inuu kordhinayo xeeladaha farsamo ee dhanka cirka iyo u diyaarsanaanta dagaal ee Ciidanka Cirka Sucuudiga, waloow aanu Giriiggu taas iyaga wax badan ku dhaamin khibrad ahaan.
Dhanka kale MW Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wax “laga shallaayo” ku tilmaamay in Sucuudigu uu dhoollatus la samaynayo Giriigga, sida lagu qoray Duvar.
“Waxaan arrintan kala hadli doonaa saraakiisha Sucuudiga. Waxay nala tahay inay ahayd inaysan tani dhicin.” ayuu yiri MW Turkigu.
Dalka Turkiga oo uu is mari waa kala dhexeeyo Giriigga oo ay caawinayaan dalal badan oo Galbeed ah ayaa waxaa usoo raacay dhowr dal oo Carbeed sida Masar, Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo qaar kale, taasoo ay dad badani la yaabban yihiin.
⭕️4 #Saudiarbia 🇸🇦 #F15 arrived some minutes ago in Ayia Marina Crete/#Greece 🇬🇷
👉Sound :High volume
pic.twitter.com/XPlqoALcU1— L-Team (@L_Team10) March 13, 2021
Hadalsame Media