(New York) 13 Maarso 2021 – Golaha Amaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar lagu kordhinayo sharciyadda Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia, iyagoo madaxda Somalia ugu baaqay in la qabto doorasho “iyadoo aan waqti kale la dhumin.”
Warbixin ka kooban 13-bog oo ay soo qoraal qabyeeyeen dalka Britain ayaa waxaa wada ansixiyey 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka, sida ay ilo diblomaasiyadeed sheegayaan.
Ha yeeshee, dhib ayaa laga soo maray meel marintiisa bishii hore iyadoo ay arrinta ku murmeen dalalka reer Galbeedka iyo kuwa Afrika ee golaha haatan ku jira oo ay ka mid yihiin Kenya, Niger iyo Tunisia, kuwaasoo xitaa London ku khasbay in codaynta dib loo dhigo 15 maalmood.
Waxyaabaha lagu murmay waxaa ka mid ahaa maalgelinta AMISOM, iyadoo markii natiijada lagu dhawaaqay kaddib ay Niger soo saartay qoraal dheer oo ay ku dhaliilayso sida ay UK wax u waddey, iyadoo sheegtay in la iska indha tiray wixii ay ka walaacsanaayeen, iyadoo aan sharraxaad la siinin isla markaana aanu qoraalka kama dambaynta ihi aanu ka tarjumaynin mowqifka Midowga Afrika, sida uu sheegay Danjire Abdou Abarry, oo halkaa u jooga Niger.
Somalia ayaa dhaaftay 8-da Febraayo oo ahayd dhamaadkii muddo-xileedkiii Md Farmaajo, kaasoo ay ahayd inuu wax uun meesha ku joogo sida heshiis waqti kordhin kooban ah ama uu xilka ku wareejiyo Guddoonka Baarlamanka, taasoo ay xubnaha mucaaradku ku tilmaameen mid keentay qalalaase dastuuri ah.
Hadalsame Media