(Seattle) 13 Maarso 2021 – Shukri Colow oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ayaa ku dhawaaqday inay u taagan tahay xilka metelaadda Degmada 5-aad ee King County Council, taasoo ka kooban dhamaan Kent, SeaTac, Tukwila, Burien, Normandy Park, Des Moines, iyo Renton.
Haddii Shukri la doorto, waxay noqon doontaa haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee ku guulaysata fadhi degmadaa ka tirsan, guud ahaanba taariikhda Gobolka Washington State.
Waxaa dadka taageeraya ka mid ah Senatarka T’wina Nobles, Jamila Taylor, Wakiilka Gobolka Debra Enteman, Duq Magaalo Xigeenka Burien Krystal Marx, gabadha ka tirsan Golaha Degaanka Tukwila City, Cynthia Delostrinos Johnson, Fai’zah Bradford oo ka tirsan Guddiga Dugsiyada Sare, iyo dad badan oo kale oo u bogsan aragtida Shukri ee degmada, iyadoo ilaa haatan ururisay lacag ka badan $110,000 oo doollar.
Shukri oo sheegtay in ay Somalia kasoo carartay iyadoo 4-jir uun ahayd isla markaana qoyskeeda qaxooti kula noqotay Kenya ayaa sheegtay inay dareemi karto baahida danyarta maadaama ay dhowr mayl u lugayn jirtey si ay biyo usoo dhaamiso.
Colow oo ka qalin jebin rabta Kulliyadda Waxbarashada ee Seattle University oo Dr ka qaadan rabto ayaa tiigsanaysa 4 qodob oo kala ah: ilaalinta shaqaalaha, xallinta xasaradaha guryaha, in ay dadku galaangal sahlan u yeeshaan dowladda degaanka iyo baabi’inta xayndaabyada ku hor go’an cadaaladda iyo garsoorka.
Hadalsame Media