Calanka Somalia oo hoos loo dhigayo muddo 3 maalmood ah

0

(Muqdisho) 11 Maarso 2021 – MW Somalia, Maxamed Farmaajo ayaa ku baaqay in calanka Somalia hoos loo dhigo muddo 3 cisho ah kaddib geeridii MW hore ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi shalay ku dhintay.

MW Farmaajo ayaa dadka kula hadlay farriin gaaban oo muuqaal ahayd isagoo ku dhawaaqay in la saaray guddi ka socda DF Somalia oo agaasimaya aas qaran oo loo samaynayo Cali Mahdi (AUN).

Cali Mahdi oo Somali ka noqday madaxwayne KMG ah kaddib dhicitaankii nidaamkii ciidamada ee 1991-kii ayaa door wayn Somalia ku lahaa xilligaa kaddib.

MW hore ayaa la sheegayaa inuu u dhintay cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, Wuxuu ahaa 82-jir.

Hadalsame Media