Xiisadda siyaasadeed ee taagan oo kicisay xasarad aadminnimo oo Somalia ka taagan

0
Ambia Mohammed is left to look after her daughter Habiba's children after she died having reached the camp 6 days ago. Ifo section.Dadaab camp is the largest refugee camp in the world with people fleeing the civil war in Somalia. In recent months the rate of new arrivals has increased dramatically due to the added factor of drought that is affecting the region. It has now become severely overcrowded.

(Muqdisho) 10 Maarso 2021 – Xiisadda siyaasadeed ee iminka taagan ayaa sii xumaynaysa xaaladda aadminnimo ee Somalia isla markaana wiiqaysa jawaabtii laga bixin lahaa, sida uu sheegayo Xafiiska QM ugu qaybsan Xiriirinta Howlaha Aadminnimada ee OCHA.

“Colaadaha hubaysani waa walaaca ugu wayn Somalia. Waayo waxay saamaynayaan nolosha dadwaynaha oo u baahan in la dhowro.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Somalia ayaa waxaa ka jira ismari waa siyaasadeed oo ku aaddan doorashada madaxwaynaha iyo baarlamanka oo dib u dhacay iyo MW Farmaajo oo xilkii ka dhacay isaga oo aan wax heshiis ah la gaarin hay’adaha DF 8-dii Febraayo, iyadoo rabshado Muqdisho ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qofood.

MW Farmaajo ayaa markale ku baaqay in shir la iskugu yimaado kaasoo lagu wado inuu ka dhaco xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta Somalia ayaan marna wax tixgelin iyo ka baaraandegid ah siinnin mas’uuliyaddooda dayacan ee ku aaddan shacabka ay doonayaan inay xukumaan ee xaraagugga ah.

Hadalsame Media