Maxkamadda ICJ oo soo saartay jadwalka dood-afeedka Somalia-Kenya oo laba wareeg ah

0

(Hague) 10 Maarso 2021 – Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa soo saatay shin-tiriska dhegeysiga dacwadda badda ee Somalia-Kenya.

Wareegga hore  ee dhegeysiga dood-afeedkan oo toos u furmaya 15-ka bishan Maarso ayaa waxaa la hormarinayaa dalka Somalia, iyadoo ay deeto dacwaddu taxnaan doonto ilaa 19-ka bishan Maarso.

Wareegga 2-aad ayaa la iskugu soo laaban doonaa isla bishan Maarso, kaasoo socon doona 22-ka ilaa 24-ka Maarso.

Isniin 15 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Talaado 16 Maarso 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Khamiis 18 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Jimce 19 Maarso 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

Wareegga Labaad

Isniin 22 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Arboco 24 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

Hadalsame Media