Maraykanka oo Somalia ka saaray liiska dalalka uu u yaqaanno ”aag dagaal” & arrin uu hakinayo

0

(Washington, DC) 10 Maarso 2021 – MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa si KMG u hakiyey adeegsiga duqaymaha daroonnada ee meelaha ka baxsan aagagga uu Maraykanku u aqoonsan yahay ”goob dagaal”, si wax looga bedelo siyaasaddii Trump oo xornimo dheeraad ah siiyey millateriga iyo CIA-da Maraukanka marka ay la xaalayaan dalalka Somalia iyo Yemen.

”Weerar kasta oo daroon oo laga fulinayo meel ka baxan kuwa la qorsheeyey ee ka dhanka ah malliishiyaadka ku sugan Afghanistan, Syria ama Iraq waa inay wada ogolaadaan Aqalka Cad iyo Pentagon,” ayuu yiri afhayeenka John Kirby.

Wuxuu sheegay in go’aankani aanu kama dambays noqon doonin isla markaana aanu ka dhignayn inay howshaa joojinayaan, balse ay u baahan yihiin in uu MW Biden la socdo ”howlaha muhimka ah.”

Maamulkii Donald Trump ayaa intii uu xilka hayey wuxuu debciyey xeer dalbanayey in marka daroon loo adeegsado meel ka baxsan goobaha dagaalka in lasoo weriyo inta rayid ah ee ay wax ku gaareen.

Deeto weerarrada daroonnada ayaa aad u batay gaar ahaan dalalka ay joogaan ciidamo kooban oo Maraykan ah sida Somalia oo ay DF ka caawinayeen la dagaallanka Shabaab ama Libya oo ay beegsanayeen ISIS, balse marar badan ayaa lasoo weriyey dhibaato shacabka gaartey.

Hadalsame Media