(Jabuuti) 10 Maarso 2021 – Muhandis Ruushan ah oo la yiraahdo Alex Wizhevsky ayaa naqshadeeyey laba dhisme oo aad u dhaadheer oo astaan u noqonaya dhaqanka iyo ganacsiga Jabuuti, kuwaasoo lagu magacaabo “DJIBOUTI TOWERS”, kuwaasoo laga dhisayo badda dhexdeeda.
DJIBOUTI TOWERS waa laba dabaq oo naadir ah waana dabaqyadii ugu horreeyey ee noocyada dhaadheer ah oo u eg astaanta qaranka Jabuuti gaar ahaan labada golxob iyo waranka ku sawiran.
“DJIBOUTI TOWERS” waxay noqon doonaan dhismayaasha ugu dhaadheer Afrika oo waxay cirka tolnaan doonaan 243 mitir.
Waxaa ay leeyihiin dukaamo, makhaayado, sineemooyin, tiyaatarro, hoolal shir, carwooyin, xafiisyo, degaamo caadi ah, meelo wax laga eego, waxaana ku jira kubad wareegaysa oo u taagan dhamaanba isirrada kala geddisan ee Afrika.
Hadalsame Media