Madaxwaynayaasha Puntland & Jubaland oo Muqdisho laga sugayo maanta gelinka dambe

0

(Muqdisho) 09 Maarso 2021 – Waxaa saacadaha soo socda magaalada Muqdisho laga sugayaa madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka lagu muransan yahay.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in maanta gelinka dambe ay soo gaarayaan magaalada caasimadda ah iyadoo durba ay halkaa gaareen ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe.

Waxaa la sheegayaa in shirka lagu qaban doono gudaha saldhiggii cirka ee ciidanka xoogga ee Afisyooni, kaddib markii ay madaxweynayaasha labadan Maamul-goboleed oo shuruudo badan iska soo daba saarayey ay markii dambe dalbadeen in aysan tegi doonin Villa Somalia iyagoo codsaday in shirka lagu qabto wax ay ku sheegeen ”meel amaan ah.”

Waxaa shirkan lagu wadaa inay sidoo kale goobjoog ka noqdaan xubno ka tirsan beesha caalamka taasoo ah sida ay marar badan codsanayeen madaxdan iyo qaar kale.

Beesha caalamka ayaa waloow aysan lafteedu isku mowqif ka ahayn arrimaha Somalia misna u muuqata mid la yaabban hab-dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida oo caqabado hor dhigaya horay u socodka dalkooda.

Hadalsame Media