DAAWO: Daroonka Bayraktar TB2 oo meeshii ugu fogayd wax ka shiishay isagoo adeegsanaya rasaasta ”caqliga leh” + Sawirro

0

(Ankara) 07 Maarso 2021 – Daroonka Turkiga dunida uga yaabiyey ee Bayraktar Tactical Block 2 (TB2) ayaa bartilmaameedkii ugu dheeraa ku toogtey rasaasta ”caqliga leh” mar ay ka qayb qaadanaysey dhoollatus ay ciidanka baddu ka sameeyeen Bariga Badda Dhexe.

Dayuuraddan oo ay samaysay shirkadda Baykar ayaa waxaa sidoo kale haysta ciidanka badda Turkiga ee DzKK, iyadoo ku qalabaysan gantaalaha laysarka laga hago ee ku shaqeeya hannaanka dhijitaalka ah (MAM-L), kuwaasoo ay farsamaysay shirkadda Turkiga ah ee Roketsan.

Waxay si sax ah u shiishtay bartilmaameed macmal ah oo la dhigay meel ku taalla Bariga Badda Dhexe, iyadoo hub badan oo uu Turkigu sameeyey halkaa lagu tijaabiyey, intii uu socdey dhoollatus badeedkan Blue Homeland 2021.

Bayraktar TB2 UCAV ayaa bishii Nofeembar 2020 waxay sidoo kale isla hubkan tijaabisey iyadoo adeegsanaysa bikaacyada wax lagu arko ee ay farsamaysay shirkadda Turkiga ah ee Aselsan gaar ahaan nooca dhowaysada wax lagu shiisho ee CATS oo sidoo kale wax lagu basaaso.

Hadalsame Media