Wasaaradda Gaashaandhigga Sweden oo iibsanaysa jasiirad lagu muransan yahay (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 05 Maarso 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa haatan u dagaallamaysa inay dowladdu u iibiso Känsö oo ka mid ah jasiiradaha daadsan afaafka koonfureed ee Göteborg.

Jasiiraddan waxaa sanado badan ku doodayey dadka degaanka Brännö iyo Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib markii ay dowladdu siisay rukhsad ku saabsan inay halkaa dab-rid ku samayn karaan, yeelkeede, waxaa arrinta haatan gacanta ku haysa Wasaaradda Maaliyadda si loola wareego mikliyadda jasiiradda.

Peter Fredriksson, madaxa xeryaha ciidamada Göteborg, ayaa sharraxaya sababta ay jasiiraddani iyaga muhim ugu tahay?

Dad badan oo deggan jasaa’irkan ayaa horayba u diidanaa inay ciidanku halkaa dab-rid ku sameeyaan hadda kaddib balse qaar ka mid ah dadkaas sida Lennart Granström oo ka mid ah madaxda urur iska leh jasiiradda Brännö ayaa sheegay inuu filayey in waxa hadda socda ay soo fool leeyihiin.

Hadalsame Media