(Ankara) 05 Maarso 2021 – Duugtii 1-aad ee 3 janaaso oo kala gooni ah oo loo samaynayo 11 askari oo shalay ku dhintay shil dayuurad kuwa qumaatiga u duula ah ayaa lagu qabtay gobolka bari ee Elazığ.
Waxaa duugta kasoo qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan millateriga sida Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar, Abaanduulka Ciidamada Jen. Yaşar Güler, Wasiir Xigeenka Gudaha İsmail Çataklı, qoyska iyo qaraabada askarta dhimatay oo goobta lasoo dhigay iyagoo ku jira naxashyo lagu waray calanka Turkiga.
Maanta gelinka dambe ayaa munaasabad wayn oo baroordiiq iyo aas qaran ah lagu qaban doonaa caasimadda Ankara taasoo uu kasoo qayb gelayo MW Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo deeto askari kasta loo qaadi doono magaaladii uu ka yimid si loo aaso.
Askarta dhimatay oo uu Jeneraal ku jirey ayaa waxaa ka badbaadey 2 askari oo dhaawacantay, kaddib markii ay dayuuraddu kula burburtay gobolka bari ee Bitlis, iyadoo kasoo kacday Bingöl.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa haatan baaris ku bilowday dayuuraddan oo ahayd nooca Cougar iyadoo noqonaysa tii 4-aad ee isla moodalkan ah, oo ay Turkiga uga dhintaan 39 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal sare.
Dayuuradaha Couger ayaa waxaa isla sameeya Jarmanka iyo Faransiiska iyagoo qayb ka ahaa agabka ciidanka cirka Turkiga tan iyo 1996-kii, iyagoo 20 kasoo iibsadey Faransiiska, halka 30 kale lagu dhisay gudaha Turkiga.

Hadalsame Media