Aragti horay looga qabey tallaalka Asta Zeneca oo ay wax iska bedeleen (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2021 – Hay’adda Daryeelka Caafimaadka Dadwaynaha ee FHM ayaa ku talisay in uu tallaalka Astra Zeneca qaadan karo qof kasta oo ka wayn da’da 18-jirka, sida ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen goor dhow.

Sara Byfors oo ah madax qaybeed ka tirsan FHM ayaa shir saxaafadeedka ka sheegtay inay iminka soo baxday cilmi baaris la isku hallayn karo oo sugaysa waxgalnimada tallaalkan.

Waxaa horay u jirtey in dadka ka wayn da’da 65-jirka lagula taliyey inaysan qaadanin tallaalka Astra Zeneca, balse markii daraasado laga sameeyey dalka UK ay muujiyeen in tallaalkani uusan dhibaato u keenaynin dadka waawayn waxay hay’addu bedeshey moowqifkii hore.

Waxaa intaa dheer, in hay’addu ay sheegtay inay cudurka Covid-19 ay Sweden ugu dhinteen 13 qofood oo hor leh.

Hadalsame Media