”Wuxuu qaatay door sharaf leh” – Wiil Soomaali ah oo caawiya qaxootiga Suuriya ee Turkiga

0

(Şanlıurfa) 01 Maarso 2021 – Daaha Saalah waa wiil Soomaali ah oo isaga oo 4-jir ah 1990-kii ay qoyskiisu kala soo qexeen Somalia, kuwaasoo degey magaalada Manchester ee UK, balse Saalax wuxuu haatan caawinayaa dadka kale ee sida asaga qaxootiga ah.

Saalax oo Injinneer ah ayaa todobaadkan u safray gobolka koonfur bari Turki dhaca ee Şanlıurfa kuwaasoo sida isaga ku dhacday kasoo cararay dagaallada iyo colaadda ka oogan dalkooda oo xad la leh gobolka Şanlıurfa.

Saalax ayaa deeto markii uu silaca dadka ka arkay baraha bulshada wuxuu la xiriirey NGO maxalli ah oo la yiraahdo Rahmet Association, kuwaasoo uu u geeyey deeq kaash lacageed oo uu soo ururiyey si dadkan loogu caawiyo.

“Waan jeclahay Turkey maxaa yeelay waxay caawiyaan qaxootiga. Waan jeclahay Şanlıurfa xataa waayo si wanaagsan bay iisoo dhoweeyeen.” ayuu yiri Saalax oo u mahad celiyey is xilqaamayaasha Rahmet Association mar uu la hadlay Ihlas News Agency (IHA) shalay.

Mehmet Doğan, oo ah madaxa NGO-ga ayaa u mahad celiyey Saalax oo gargaar kale keeni doona 2 bilood kaddib, isagoo sheegay inuu noqday buundo isku xiraysa qaxootigan iyo dalka UK.

Turkey ayaa haya 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah kuwaasoo ah kuwa ugu badan ee ku nool dal dunida ka tirsan iyaga oo qaxooti ah, tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ee dalkaasi 2011, iyadoo ay Turkigu sheegaan inay $40 bilyan oo doollar ay ku kharash garaysay qaxootiga Suuriya iyo xitaa kuwa ku barakacay meelaha ay Turkigu gaari karaan ee gudaha Syria.

Hadalsame Media