
(Milano) 21 Feb 2021 – Waxaa galabta kulan aad u adag Derby Della Madonnina ku ballansan kooxaha camaaliqooyinka ah ee deriska ah: AC Milan vs Inter Milan.
Dhanka Milan: Bennacer iyo Mandzukic ayaa laga quustay inay ciyaartan ka qayb galaan dhaawac muruqa ah dartii. Kessie ayaa sita furaha khadka dhexe waxaana wehlinaya Tonali. Weerarka baalasha waa Leao iyo Rebic oo ka dambeeya Ibrahimovic. Waxaa soo noqday Diaz.
Dhanka Inter: Waxaa markale maqan Sensi, oo dhaawac muruqa ah la daalaa dhacaya. Conte ayaa se dib u helay raacaha adag ee Vidal, oo dhaawac jilibka ah kasoo doogey wuxuuna ku bilaabmayaa kaydka. Waxaa kalsooni daqiiqadda 1-aad ah haysta Eriksen iyo Perisic.
Hadalsame Media