Weriye Turkey ah oo u gar dhigtay Soomaalida isagoo farta ku fiiqay wax uu ku sheegay ”weerar kas ah”

0

(Muqdisho) 20 Feb 2021 – Waxaa marar badan dhacday in siyaasiyiinta mucaaradka ah qaarkood ay Turkiga ku eedeeyaan tababarka uu siiyo Ciidanka Somalia, taasoo aan la fahmi karin sababta ku riixaysa inay Turkiga oo isaga ujeedkiisu yahay inuu xoojiyo Somalia loola doonanayo muranka ka dhexeeya siyaasiyiinta aan kartida iyo kaska badan lahayn ee iska soo horjeeda.

Weriye Turkey ah oo aad uga hadla arrimaha Geeska Afrika oo la yiraahdo Umut Cagri Sari ayaa haddaba u gar dhigtay Soomaalida, isagoo weerar ”kas” ah ku tilmaamay tweet-yo Turki diid ah oo lagu faafiyey baraha bulshada.

”In xiisadda sii kacaysa ee siyaasadeed ee Somalia Turkiga lagu eedeeyo waa mid laga yara shallaayo oo kas ah,” ayuu soo qoray Sari.

”Sida muuqata tweet-yada aan qiilka lahayn ee ay siyaasiyiin mucaarad ihi ku faafinayaan baraha bulshada waa mid lagu bartilmaameedsanayo doorka wax dhisaya ee uu Turkigu ku leeyaay Somalia.” ayuu raaciyey.

Dad badan ayaa aaminsan in dalal ka masayrsan doorka Turkiga ee Somalia, balse aan diyaar u ahayn inay Soomaali midaysan wax u qabtaan amaba in loo qabtaba diiddan sida Imaaraadka, Kenya iwm ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyaga ku xiran si loo foolxumeeyo doorka wanaagsan ee istaraatijiga ah oo aan bedelkiisa ugu yaraan haatan la haynin ee Turkigu ku leeyahay Somalia.

Hadalsame Media