”War dalkiinna & dadkiinna u tura!” – Siyaasiyiinta is haya oo loogu baaqay inay meel iska dhigaan danaha gaarka ah

0

(Addis Ababa) 20 Feb 2021 – Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa dhamaanba siyaasiyiinta Somalia ugu baaqay inay eegaan danaha dalka Somalia oo ay taa bidaalkeeda ka dheeraadaan danaha gaaban ee gaarka ah, sida uu sheegay Moussa Faki Mahamat, Guddoonka Komishanka AU.

“Dadka Soomaaliyeed in badan bay dhibtoodeen, rabshadaha haatan socdaana waxay halis gelinayaan Xaaladda Kala Guurka (STP), oo joogta isla xilligii la dhamaystiri lahaa.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AU.

Wuxuu Gudodoonku dhamaanba dhinacyada ugu baaqay inay iska jiraan wax kasta oo kharribi kara nabadda iyo xasilloonida dalka, isla markaana ay u istaagaan xal ka gaarista xaaladda cakiran ee haatan taagan.

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in aanu dhinacna kaligii ku dhaqaaqin tillaabo aan loo dhamayn, iyadoo uu warkani ka jawaabayo xiisaddii maalmahan ka taagnayd Muqdisho.

Hadalsame Media