(Ankara) 18 Feb 2021 – Turkey ayaa sheegay inuu awood u leeyahay inuu qaado howlgallo ka dhan argagixisada isaga oo aan wax gacan ah uga baahanin cid kale maadaama uu yeeshay wax soo saar gaashaandhig oo micne leh, sida ay sheegtay SSB oo ah dallad ay ku midaysan yihiin sharikaadka sameeya agabka ciidanka.
SSB ayaa sheegtay inay weli higsanayaan inay 100% iyagu naqshadeeyaan soona saartaan agabka ciidan ee xasaasiga ah ee ay u baahan yihiin, sida uu sheegay MW SSB Ismail Demir oo waraysi siiyey warqaadka Sabah.
Turkiga ayaa haatan qiyaastii 70% soo saaran kara agabka ciidan ee uu u baahan yahay, isagoo dunida uga yaabiyey daroonnada dagaalka (UAV & UCAV) ee uu isagu farsameeyo oo dagaallo badan oo uu ku lug lahaa siiyey gacan sare oo istaraatiji ah.
“Waxaannu dayuuradahan UCAV iyo rasaastooda ka dhigi doonnaa kuwa kasii wax ku oolsa.” ayuu yiri isagoo sheegay in ay mar dhow soo saari doonaan daroonno iyagu iskood go’aan uga gaari kara meesha ay tahay inay duqeeyaan, iyaga oo aan ku tiirsanayn cid kale oo dhulka ka hagaysa.
Hadalsame Media