Dibedbaxyada Muqdisho oo muujinaya arrin ay ku wada ceebaysan yihiin mucaarad & muxaafidba (DF oo berri dhibco qaadan karta)

0

(Hadalsame) 18 Feb 2021 – Marka hore aan wada qirno inay DF gabtay waajibkii ka saarnaa inay la socoto xaaladda Covid-19 kaddibna ay u dhaqanto si la gudboon, iyadoo muujisay inaysan lahayn ka warqab iyo fal-curin ku saabsan arrintaasi, iyadoo uu haatan dalka xulayo hirka cusub ee cudurkaasi oo durba dad hor leh ku laynaya dalka.

DF ayaa haatan si ay u baajiso mudaaharaad ka dhan ah madaxda sare waxay sheegtay in la joojiyey isu imaanshihii tiiyoo ay jirto inay iyadu todobaadyo yar kahor magaalada ku qabanaysey dibedbaxyo lagu taageerayey MW Farmaajo, sidaa darteed, farsamo ahaan xaq uma laha inay joojiso dibedbax dhacaya, dastuur ahaanna haba sheegin.

Qolyaha mucaaradkuna maxay sameeyeen. Haa, waa uun siyaasi iyaguna oo wax mas’uuliyad iyo lax-jeclo ah awalba dadka kama lahayn siyaasigu aan ka ahayn inuu umaddaa lax-madowda u badatay maalintii uu doonto dirto maalintii uu doonana dabro.

Yeelkeede, weli waxaan qofka muwaadi ugu baaqi lahaa inuu ka fogaado dibedbaxaas bilaa micnaha ah ee aan waxba ku kordhinaynin noloshiisa gaarka ah, maadaama waxa laga hadlayaa ay yihiin ciddii kursigaa inkaaran ku fariisan lahayd ee aan lagu doodaynin yaa mushahar badan u qoraya, shaqo u abuuraya, caafimaad iyo waxbarasho rakhiis ah ama bilaash siinaya ama amaankooda sugaya shacabka Soomaaliyeed.

BAAQ KU SOCDA DF – Waxaa adinka la idinka doonayaa inaydnaan marna isku dayin inaad is hortaagtaan dibedbaxaasi, waa haddii ay dad soo baxaan sax iyo khaladba. Kaliya waa in waajibka idinka saarani noqdaa sidii aad amaankooda u sugi lahaydeen.

Haa, taas ayaad berri ku muujin kartaan inaad woxoogaa mas’uuliyad iyo xilkasnimo ah weli leedihiin, malaha dadka qaarna kuba kasban kartaan, balse maalinta aan isku daydaan inaad shacab soo baxay xakamaysaan waxaad dab ku daaraysaan bansiinka ee iska jira middaas oo yaan dabin iyo dembi la idin gelinin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media