”Aan aragno iyada oo nool!” – Ingiriiska & Imaaraadka oo iskula dheggan arrinta gabar Amiirad ah

0

(London) 18 Feb 2021 – RW UK ee Boris Johnson ayaa sheegay inuu ”ka walaacsan yahay” silaga laga soo sheegayo Amiiradda Dubai ee Latifa, kaddib markii la daawaday muuqaay ay ku sheegayso in RW Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, aabaheed, uu meel ku xabbisay.

“Waxaa arrintan isha ku haya Guddiga Xuquuqul Insaanka ee QM, annaguna waan sugaynaa oo isha ayaan ku haynaynaa,” ayuu saxaafadda UK u sheegay Johnson.

Warka RW Johnson ayaa waxaa ka horreeyey midkii Wasiir Dibadeedka UK ee Dominic Raab oo sheegay in uu u baahan yahay inuu arko in Latifa ay “weli nooshahay oo fiican tahay”.

Raab ayaa intaa raaciyey inay si “qoto dheer u walaacinayso” inuu arko sawirro noocaas ah, balse wuxuu sheegay in Britain aysan kiiska Latifa si toos ah ula soo qaadaynin Imaaraadka, balse ay adeegsanayaan maxaddooyin dadban.

Hadalsame Media