(Washington, DC) 17 Feb 2021 – MW Joe Biden ayaa wax ka bedelaya sidii ay Maraykanku Sucuudiga ula macaamilayeen sanadihii dambe ee Trump, isagoo hadda kaddib toos ula xiriiri doona Boqor Salman halkii uu kala hadli lahaa wiilkiisa Mohammed bin Salman oo lagu sheego hoggaamiye beenaadka dalkaas.
Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa isbedelkaa ku dhawaaqday Talaadadii, iyadoo sheegtay inay ”caddeeyeen inay dib u qaabeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Sucuudiga.”
MW hore ee Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee la taliyaha u ahaa, Jared Kushner, ayaa xiriir xooggan la lahaa MBS muddadii 4ta sanadood ahayd ee ay awoodda haysteen.
Waloow uu MBS yahay ninka howsha kala wada kaddib markii si aan xeerka waafaqsanayn looga dhigay Dhaxal-suge, misna farsamo ahaan weli waxay taladu la taallaa aabihii oo ah oday 85-jir ah.
“MW Biden waxaa u dhigma Boqor Salman waxaana filaynaa in uu la xiriiri doono xilliga ku habboon. Ma se saadaalin karo waqtiga,” ayay tiri Jen.
Hadalsame Media