”Arrintu waxay sii murugtey markii uu Farmaajo yimid!” – Pan African Forum oo warqad Somalia ka dhan ah u diray QM

0

(Nairobi) 17 Feb 2021 – Madasha Pan African Forum ayaa warqad rasmi ah u qortay Xogahaya Guud ee QM, António Guterres, iyagoo ugu baaqaya inuu soo farageliyo kiiska Kenya-Somalia ee haatan hor yaalla Maxkamadda Cadaaladda Caalamka ee ICJ.

Guddoonka madasha oo ah David Matsanga oo ah nin Kenyan ah ayaa ku dooday in xukunka ICJ uu keeni karo xiisad iyo colaad hor leh oo gobolka ku baahda, maadaama ay labada dal ka dhexeeyso xaalad kacsan oo diblomaasiyadeed.

“Md Xoghaye waxaan qabnaa in xukunka ICJ ay soo saarto markasta uu kicin doono dagaal qaraar oo gobolka ka dhaca xilli ay Somalia weli colaadi ka jirto,” ayuu warqadda ku yiri Matsanga.

Matsanga ayaa ku dooday in xiisaddu ay sii kululaatay markii uu xilka la wareegey MW Farmaajo.

“Farmaajo wuxuu u muuqdaa mid xaalad adag ku jira maadaama ay cadaadis ku hayaan Turkey, UAE, Qadar, Norway iyo ilaa xad France.” ayuu ku dooday Matsanga oo qiil ka dhigtay in Kenya ay ka mid tahay dalalka ka shaqaynaya xasilloonida Somalia maadaama ay ka mid tahay AMISOM.

Somalia ayaa dacwadda gaysey Maxkamadda ICJ Agoosto 28, 2014 iyadoo cuskanaysa xeerka badda ee Articlle 15 oo la dabaqay 1982-kii, balse Kenya ayaa ku doodaysa inay iyadu halkaa joogtey tan iyo 1979-kii, waloow ay u muuqato mid aan haynin qiil ay ku difaacso sheegashadeeda una muuqata mid wax ku doonaysa qaab dul ka xaadis ah oo aan xeer ku fadhin, sida inay hayso qaxooti Soomaali ah, inay AMISOM ka mid tahay iyo inay galaangalka Badwaynta waayayso haddii Somalia wax loo xukumo.

Tillaabooyinkan ayaa ka mid ah xeeladaha la fahamsan yahay inay Kenya adeegsanayso si ay arrinta u lug jiiddo intii tabarteeda ah.

Hadalsame Media