(Muqdisho) 14 Feb 2021 – XF Somalia ayaa shaacisay magacyada qarreennada difaacaya Somalia dhanka dacwadda ay ka gudbisey Kenya ee hor yaalla ICJ oo la dhegeysan doono 15-ka Maarso oo ah bisha soo aaddan.
”Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda Baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu, Afhayeenka XF Somalia.
”Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.” ayuu raaciyey, waloow ay meesha ka maqan tahay Qareennadda Muna Maxamed Cali Sharmaan oo sidoo kale ka maqnayd dhegeysiyadii dambe.
Warkan ayaa soo baxaya kaddib markii ay Maxkamadda ICJ ay shalay diiddey codsi ka yimi Kenya oo lagu doonayey in markii 4-aad la baajiyo dhegeysiga dacwada.
Hadalsame Media