(Muqdisho) 14 Feb 2021 – Xil. Mahad Salaad ayaa lagu dhaliilay sababta uu u sheegay in MW Farmaajo uu dhacay balse uu RW Rooble weli taagan yahay. Arrintaas ayuu sharraxaad ka bixiyey:
DHANKA SHARCIYADDA FARQIGA U DHAXEEYA FARMAAJO IYO ROOBLE.
“Mudada xilhaynta Madaxweynaha waa afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad Qod. 91aad dastuurka. Sidaas ayuuna Farmaajo ku yahay Madaxweyne hore ama Madaxweyne xilkiisu dhamaaday, ayuu dooddiisa ku bilaabay isagoo sheegtay inuu hayo qiil sharci ku fadhiya.
“Halka Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa ay yihiin Xil-Gaarsiiyeyaal inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo inta laga dhaarinayo Ra’iisul Wasaaraha cusub sida ku cad Qod. 103aad dastuurka.
“Sidaas ayuuna Rooble ku yahay Ra’iisul Wasaare xilgaarsiiye ah inta dowlada cusub ee dhalan doonta ay ka soo magacaabayso Ra’iisul Wasaarihii isaga badali lahaa.
“Qaylodhaan warmo kama tummaan ee qofkii qodob dastuuri ah oo Farmaajo lagu difaaci karo haya ha ila soo wadaago. Qofkii ujeedkiisu yahay in uu dadka qabyaalad ku indho sarcaadiyana comments-ka hoose waa u fasaxan yahay ee haku ciil baxo.” Ayuu kusoo afjaray Mahad Salaad.
Hadalsame Media