(Dubai) 14 Feb 2021 – Imaaraadka Carabta oo dhowaan ku faraq xirtey Israel sidoo kalena xiriir la leh Lubnaan oo ay iyaga is necbaayeen tan iyo 1948-kii, ayaa doonaya inuu sharikaadkiisa saliideed uga faa’iideeyo dhul-badeed ay ku muransan yihiin labadan dhinac.
Yeelkeede, ma sahlan waayo nacaybka Lubnaan kala dhexeeya Israel darteed taasi waa rajo ay adag tahay ka mira dhalinteedu, iyadoo ay Imaaraadku doonayaan in ay ka dhex faa’iidaystaan khilaafka labada dhinac maadaama ay iyagu labadaba xiriir la leeyiihiin.
Wada hadallo aan toos ahayn oo u dhexeeyey Lubnaan iyo Israel oo lagu qabtay xarunta nabad ilaaliyeyaasha QM ee Unifil, isla markaana ay Maraykanku dhexdhexaadinayeen ayaa la qabtay bishii Oktoobar si ay labada dhinac uga heshiiyaan muranka badda, balse waxba kama soo naasa caddaanin.
Meesha la isku hayaa waa laba baloog oo ku fadhiya dhul dhan 860 km oo jibbaaran sida ku cad khariidad loo gudbiyey QM 2011-kii.
Imaaraadka oo ah dalka 3-aad ee soo saara saliidda ugu badan OPEC ayaa heshiisyo badan oo dhanka shidaalka ah la galay Israel, iyadoo ay shirkadda Dubai ee DP World ay doonayso inay iibsato Dekedda Haifa Port, taasoo ay haatan dhisayso sharikad Chinese ah.
Dhanka kale, shirkadda beebabka ka shaqeeysa ee Israel ee EAPC ayaa bishii Oktoobar Imaaraadka kula heshiisey inay saliidda qeeriin ee Imaaraadka Yurub gaarsiiso iyadoo adeegsanaysa tubbooyin isku xiraya magaalada Badda Cas gaar ahaan Gacanka Caqaba dhacda ee Eilat ilaa midda Badda Cad ku taalla ee Ashkelon.
Hadalsame Media