Qayb ka tirsan waayihii siyaasadeed ee Mandela oo ay cashar ka qaadan karaa Farmaajo, Deni iyo A. Madoobe

0

(Hadalsame) 12 Feb 2021 – Xal u helida arrimaha murugsan xirfad iyo gorgortan ayaa xal u ah. Waxaa dhacday 1985, Wasiirkii Caddaaladda, Xabsiyada iyo Bileyska South Africa, Hendrik Jacobus Coetsee, oo aad loogu yaqiinay naynaasta ‘‘Kobie’’, ayaa waxuu bilaabay kulamo sir ah oo Nelson Mandela, kula yeelanayo xabsiga dhexdiisa.

Muddo afar (4) sano ah ayey socdeen kulamadaas qarsoodiga ah. Mar ay miro dhal ula muuqatay Kobie, in la xaajoodka Mandela, macno weyn yeelan karto ayuu kulamadii ku soo daray rag uu markaas aragti, kalsooni iyo faham dheeri ah ku tuhmayey. Waxaa kusoo biiray Lukas Daniel Barnard oo Madaxa Sirdoonka ahaa. Madaxweynaha ayey ka dhaadhiciyeen in Mandela iyo Xisbiga ANC, wadahadal lala furo. Waa uu ka aqbalay.!

Inta aan caalamka iyo dadka South Africa, ogaan waxa socda ayey gaareen guul iyo go’aanno cidkasta oo xaalka South Africa, la socotay u riyaaqday. Madaxweynihii South Africa ee wakhtigaas Pieter Willem Botha, oo dadka madow u yaqiineen “The Great Crocodile”. Sababta magacaas ugu baxay ayaa ahayd, in uu midab takoorka aad ugu adkaa oo qabay aragti ah in dadka madow xukunka lagu wareejin. Botha, waxaa intaa u dheeraa in ciddii hadasha xarig, jir dil iyo toogasho la isugu dari jiray.

Kobie iyo Lukas, waxay Mandela, ku qanciyeen in uu 27 kii sano ee xariga, takoorka asaga shaqsi ahaan loo geystay iyo midka muddada dheer dadkiisa lagu hayey in la soo afmeero oo asagu hoggaamiyo geeddi socodkaas, xukunkana dadka madow lagu wareejiyo.

Waa go’aan ay adagtahay in Mandela si sahlan ku laqo. Balse waxay u soo jeediyeen hadduu ogolaado tilaabadaas tan xigtaa noqonayso dastuurka oo la furo, sharciyada midab takoorka la tuuro iyo doorasho daah furan in dalka ka dhacdo. Sii deyntiisa iyo heshiiska lala galayana go’aan dowladeed noqdo. Waa tilaabo qiimo aad u weyn asaga iyo dadkiisaba ugu kacaysay.

Mandela waxuu garowsaday in uusan maxbuus usii ahaan karin marxalada adag ee dadkiisu ku noolyihiin iyo waxii la soo maray oo kaba darnaa xabsiga mugdiga ah ee asagu ku jiray. Xogta kulamadaas, iyo ragii fududeeyey in Mandela, xabsigii Robben Island ka soo baxo kaddibna Madaxweyne loo doorto, waxaad ka helaysaan buuga ‘‘Tomorrow Is Another Country: The Inside Story of South Africa’s Road to Change, by Allister Sparks’’. Waa buug, si farshaxan leh loo qoray, xog badanna sida.

Waxaan taariikhdaas uga socdaa in xal loo helo arinta doorashada iyo gobolka Gedo ee Jubaland. Ma ahan in Mohamed Abdullahi Farmaajo, Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Madoobe oo keli ah laga sugo sida wax noqonayaan.

Waxaan qabaa in rag Xukuumadda Federaalka ka tirsan is xilqaamaan oo

Farmaajo lagu qanciyo ku soo noqoshada wadiiqada sharciga iyo dowladnimada iyo in wadahadal xaajada lagu dhammeeyo.

Rag badan oo Axmed Madoobe, Deni iyo Farmaajo, si fiican u yaqaan ayaa labada dhan ka tirsan ee yaan ragga la isku fiirsan. Daawada khilaafka waa wadahadal iyo xal waara raadin.

War ragga la isku fiirsan!!

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media