”Waa kaa lambarkiisu!” – MW Biden oo aan weli wicin RW Israel heer ay Danjiraha QM ka gaartey inuu Twitter kusoo qoro lambarkiisa

0

(New York) 11 Feb 2021 – MW cusub ee Maraykanka ee Joe Biden ayaan weli wicin RW Israel, Benjamin Netanyahu, tiiyoo ay jirto inuu wacay dalal badan oo olog la ah Maraykanka iyo qaar kaleba.

Danjiraha Israeli ee QM Danny Danon ayaase arrinta keenay baraha bulshada isagoo soo tweet gareeyey in RW Yuhuuddu aanu ka mid ahayn liiska sii cayilaya ee dadka uu ilaa haatan wacay MW Biden oo xilka loo dhaariyey 20-kii Jannaayo, isagoo xitaa soo geliyey lambarka RW Netanyahu.

Tweet-ka Danon ayaa sida xog aad u culus, waayo wuxuu kusoo aadayaa 4 sanadood oo ay Israel ku naalloonaysey taageerada bilaa shuruudda ah ee Donald Trump, iyadoo haatan la dareensiiyey in maamul cusubi qabsaday Washington, DC isla markaana ay doorasho kasoo socoto Israel.

Si kastaba, wax badani iskama bedeli doonaan xiriirka Maraykanka iyo Israel ee istaraatijiga ah sida kaalmada dhaqaale, ciidan iyo siyaasadeed ee uu Maraykanku siiyo dalkaasi, xitaa haddii tafaasiilo yar yari kala geddisan yihiin.

Hadalsame Media