(Nairobi) 11 Feb 2021 – Kenya ayaa markale si rasmi ah u codsatay in dib loo dhigo amaba gebi ahaanba la hakiyo dhegeysiga dacwada badda ee ay Somalia hor gaysey Maxkamadda ICJ, wax loo arko istaraatijiyad ay ku lug jiidayso mira dhalka dacwad ay u muuqato mid aaminsan inaysan ku guulaysan doonin.
Dacwadda ayaa la dhegeysan lahaa bisha Maarso ee sanadkan 2021 iyadoo garsoorka kiiska gacanta ku hayaa uu ka digey in aanu dhegeysan doonin codsi dambe oo dib u dhig ah, iyadoo awal ku doodaysey inay la tacaalayso cudurka Covid-19 oo ay dalkaa ugu dhinteen 1500 oo qofi.
Yeelkeede, Kenya ayaa haatan keentay marmarsiinyo qosol leh kaddib markii ay sheegtay inuu lumay oo si aan la aqoonin uu u lumay dokumenti uu ku jirey maab ka koobnaa ”xog muhim ah” oo qarreennada kiiskooda difaacaya wax badan ka caawin kari lahaa.
Waxaa ilaa haatan kiiska dib u loo dhigay 3 jeer oo ay Kenya wada codsatay; Marka 1-aad waxay ahayd Sebt 2019 kaddib markii ay Kenya sheegtay inay bedeshey qarreennadii difaaayey.
Markale ayay Nairobi ka timid codsi ah in dib loo dhigo isla sanadkaa bishii Nofeembar, taasoo keentay In Juun 2020 dib loogu rido, yeelkeede, Kenya ayaa markale codsatay in dib loo dhigo iyadoo ku doodday jiritaanka cudurka Covid-19, haatan waa markii 4-aad.
DF Somalia oo qoorta kula jirta talo xumo keentay xasarad siyaasadeed oo ka taagan doorashada 2021 taasoo ay Kenya lafteedu ka faa’idaysanayo ayaan weli waxba ka dhihin arrintan.
Hadalsame Media