(Qaahira) 11 Feb 2021 – Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo wax la rumaysan yahay inuu noqon karo masjidka ugu ballaaran dunida oo idil kaasoo laga samaynayo caasimadda cusub ee maamul ee dalkaasi, balse dadwaynuhu kuma farxin.
Bassam Rady, oo ah afhayeenka Madaxtooyada Masar, ayaa ku dhawaaqay mashruuca cusub oo uu wacaalkiisa ku faafiyey Facebook horraantii todobaadkan, kaasoo ay ku baxayso 750 milyan oo gini.
Wuxuu sheegay in Masjidkan oo la yiraahdo “Masjidka Masar” uu qaadi karo 107 qofood, minaaraadkiisu ay gaarayaan joog dhan 140 mitir, isla markaana uu leeyahay hoolal waawayn oo lagu qabto dabaaldegyada, dhacdooyinka, meelo Qur’aanka ay ku akhriyaan ragga, haweenka iyo carruurtu. Wuxuu sidoo leeyahay meel gawaarida la dhigto oo dabaqyo badan ka kooban oo qaadda 3,000 oo gaari.
Yeelkeede, dadwaynaha qaar badan oo ka mid ah ayaa arrintan ku tilmaamay mid lagula ciyaarayo hantida umadda iyagoo ku doodaya in ay Masar leedahay masaajid fara badan iyo goobo lagu cibaadaysto, balse waxa ay haatan la’dahay ama ku yari ay yihiin sariiro iyo tas-hiilaad ku filan dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 oo haatan ka saa’id caleeyey isbitaallada dalkaasi.
Ha yeeshee, dad badan oo Masaari ayaa soo dhoweeyey kuna faanay dhismaha masjidkan wayn ee ay dhisayso Dowladda Masar.
– مجلس النواب بـ #العاصمة_الادارية ، الاكبر في الشرق الاوسط وأفريقيا .. كما تعلوا القاعة الرئيسية قبة وسطية تعد من أكبر القباب التى تم تنفيذها على مستوى العالم
– مسجد مصر بالعاصمة الادارية، احد أكبر المساجد في العالم بسعة ۱۰۷ ألف مصلی ..
“أفتخر ببلدك صنع في مصر”#تحيا_مصر ✌️🇪🇬 pic.twitter.com/fgy9izn0jt
— EslAm OthmAn🦅🇪🇬 (@Eslll7970Gladii) February 8, 2021
الديون في مصر تجاوزت الــ5 تريليون جنيه=5000 مليار جنيه
خلاف الفوائد السنوية
وفيه بهايم شايفين إن ده إنجاز
وإن في ظل المأساة دي مفيش مشكلة
يتعمل أطول ساري ومبني برلمان جديد يسع لــ 1000 عضو!!
ونصب جندي مجهول جديد
ولما تنطق وتتكلم علي التعليم يقولك
فين تحديد النسل وإنت السبب!! pic.twitter.com/4jRj9lCRqk— Haytham Abokhalil هيثم أبوخليل (@haythamabokhal1) February 8, 2021
Hadalsame Media