(Hadalsame) 11 Feb 2021 – Covid-19 wuxuu ku faafay dalal uu jawigoodu la mid yahay kan Soomaaliya iyo qaar ka kulul. Ingiriisku wuxuu joojiyay duullimaadyada uga imaan jiray Dubai.
Dadka ka baxsanaya xanuunkan laayaanka ah, xabsi guriga iyo qaboobaha culus ee ka dhacaya Yurub ayay qaar badani tageen Dubai oo xeebta loo dabaal tegi karo, makhaayadahana laga soo casheyn karo.
Dalkeenna waxaa hadda ku soo batay dadka ka soo yaacaya Yurub oo qaarkood laga yaabo in ay cudurka sidaan oo ay qaadeen markii ay baaritaanka mareen ka dib.
Soomaalida ka timid Yurub iyo Mareykan mar walba waan ku arkaa Muqdisho, gobollada qaarna waan ku arkay, qaar kalena waan ku ogahay.
Sida aan xog ku helay, Dadka dalkeenna hadda soo galaa, waxay ka badan yihiin kuwa ka dhoofa. Qaarkoodna waxay ka yimaadaan waddammo la liita Covid.
Feejignaan iyo ka hortag haddii aan lala imaan oo uu dalka ku soo bato cudurku kuna faafo, uma babac dhigi karno khasaaraha uu geysan karo.
Doorashadu waa muhiim, howlo kalena waa muhiim.
Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad
FG: Nooca cusub ee Covid-19 ee lagu arkay Kent, UK, waxaa la sheegay inuu dunida oo idil ku faafi doono, waloow ay dalal badan oo Yurub ihi ay mar hore iska xireen duullimaadyada UK.
Hadalsame Media