3 arrimood oo ka dambeeya shirka Garoowe laga ridey & mid ay moog tahay Madaxtooyadu

0

(Hadalsame) 11 Feb 2021 – Waxaa haatan lagu jiraa xaalad cakiran oo uu dalku galay iyadoo aan weli lagu heshiinin in dalka doorasho laga qabto, iyadoo waqti xaadirkan la isku haysto shir 15-ka bishan oo Isniinta ah dhici lahaa goobtii lagu qaban lahaa.

1 – In Puntland cadaadis lagu saaro oo luu muujiyo inay diidayso soo jeedinta Madaxtooyada, taasoo dhacday.

2 – In dad badan oo codsaday inay shirkan ka qayb galaan kuwaasoo ka baxsan Madaxtooyada iyo maamullada lagu adkeeyo inay ka qayb galaan, iyadoo qaabka haatan shirka loo shaaciyey ay ka muuqato inuu sidii hore ku soconayo.

3 – In la abuuro xaalad kale oo cakiran, waayo waloow ay Puntland diiddey Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay hadal ilaa haatan lala yaabban yahay oo ah inuu markale ku celiyey inay Puntland shirka martigeliso, taasoo la fahmi karo inay tahay xeelad dib u dhigaal (delay tactic), si aan marxaladdan looga gudbin, taasoo noqonaysa istaraatijiyad aan micne badan xambaarsanayn, balse muddo sanad ah ahayd mid ka muuqata sida ay wax ku waddo Madaxtooyadu.

Midda ay XF dhinac marsan tahay waa in aysan u muuqan mid garowsan inuu waqtigii ka dhacay, inay iyada mas’uuliyadi ka saarrayd in saacaddan doorasho la aado iyo inay isla iyada indhuhu eegayaan oo dad badan oo waxgarad ihi aanay la dhacsanayn siyaasadda dugsiga hoose ah ee haatan dabbaqayso, markasta oo ay sii caga jiiddana waxaa sii lumaysa taageeradeeda iyo qiilkeeda siyaasiga ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media