(Muqdisho) 10 Feb 2021 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar ku qaaday Matt Bryden oo ka mid ah dadka ka macaasha dhibaatada Somalia oo isaga oo ka qayb gelayey barnaamijka Inside Story ee AlJazeera sheegay inay Somalia nidaam la’aantii ku noqon karto.
”Waxaan daawaday Matt Bryden oo AlJazeera ka sheegaya in Somalia ay nidaam la’aan ku noqon karto isagoo sheegay inuu saqdii dhexe ee 7-dii Febraayo uu arkay rasaas la mid ah middii lagu ridey Siyaad Barre 1991-kii,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Faarax Macallin.
”Ninku waa beenaale aan qajilin. Waxaa dhacda inaan habeenkaa Muqdisho joogey. Waxaa jirey xabado yar oo mindhaa 6 daqiiqo socdey oo laga ridey guryaha madaxwayne iyo hoggaamiye kooxeedyo hore. Calooshood u shaqaystayaasha/cadowga Somalia waxay doonayaan Somalia oo is qalata, balse Soomaalidu waa isku dhiig iyo qaraabo dibna uguma laabanayso taas,” ayuu daba dhigay.
Wuxuu intaa raaciyey in cidda qura ee khilaafkan doonaysa inay ka faa’iidayso ay tahay kooxda Al Shabaab oo uu ku tilmaamay mid shisheeye u shaqayso uuna la shaqeeyo, taana meesha laga saari doono.
Bryden ayaa ka mid ah dadka u ololeeya inay kala go’do Somalia isla markaana ay fashilanto DF Somalia, waloow eedda 1-aad ay markasta Soomaalidu leedahay.
I watched Matt Bryden on AlJazeera claiming that Somalia is slipping into anarchy & that he observed gunfire on midnight the 7th February never witnessed since 1991. The man is an accomplished straight face cheap liar. I happened to have been in Mogadishu on the material night.
— Farah Maalim EGH (@FarahMaalimM) February 10, 2021
Hadalsame Media