(Moscow) 10 Feb 2021 – Haddiiba uu dhoco, dagaal dhexsada Moscow iyo reer Galbeedka ayaa ka bilaaban kara dhanka dhulka, balse waxaa lagu kala bixi karaa dhanka cirka, marka la eego sida ay qabaan 2 sarkaal sare oo Ruush oo yaqaan istaraatijiadda ciidamada.
Nimankan oo maqaal ku qoray Air and Space Forces Journal, isla markaana wax ka dhiga Akadamiyaha Duuliyeyaasha ee Ruushka ayay prof Vladilen Stuchinsky iyo Prof Mikhail Korolkov ku qaadaa dhigeen sida uu Ruushku ugu diyaar garoobey arrintan.
Waxay tilmaameen inuu Ruushku diyaariyey qaab uu cirka uga duqayn karo ciidan aad u ballaaran iyo agabkooda, isagoo adeegsanaya cudud cireed oo iskugu jirta daroonno, gantaalo, hub cusub iyo jabsi dhanka internet-ka ah oo keeni kara in la fariisiyo agabka ciidan ee Galbeedka kahor inta aysan far dhaqaajin, waa sida ay ku doodayaane.
Warkan ayaa yimid kaddib markii uu Maraykanku iskii uga baxay heshiiska INF 2019-kii, kaasoo mamnuucayey inay labada dal isu soo jirsadaan furumo aad isugu dhow, iyadoo uu Maraykanku bambarro hadda keenay dalka Norway oo xad la leh Ruushka.
Yeelkeede, MW cusub ee Maraykanka ee Joe Biden iyo Vladimir Putin ayaa todobaadkii hore ku heshiiyey in heshiiska dhimista hubka nukliyeerka lagu kordhiyo ugu yaraan 5 sanadood oo kale, kaasoo uu horay uga baxay MW Trump.
Hadalsame Media