Kenya oo madal kale iskugu muujisay inay u miciinayso Somalia (Doorkii DF Somalia oo maqan)

0

(Addis Ababa) 10 Feb 2021 – Kenya ayaa markale ku celisey sheegashadii ahayd inaysan ”faragelin ku haynin” arrimaha gudaha Somalia, mar ay ka qayb gashay kalfadhiga 978-aad ee Golaha Amaanka Midowga Afrika (AUPSC) oo ka wada hadlayey doorka AMISOM ee Somalia.

War kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa lagu diidey eedda faragelineed ee Kenya uga timid DF Somalia, taasoo ay ku tilmaantay ”been iyo marin habaabin.”

Kenya ayaa ku doodday in ciidamadeedu ay Somalia u joogaan xoojinta amaanka gobolka, isla markaana ay taageersan tahay qabashada doorashada Somalia oo muhim u ah xasilloonida mudada fog ee Somalia, iyadoo sheegtay inay ”door sharaf leh” ka qaadanayso arrintaa.

Danjiraha Kenya u fadhiya Itoobiya oo sidoo kale ah midka ku metela Midowga Afrika, Jean Kamau ayaa shirka u joogey Kenya, lama se sheegin halka uu jirey Danjirihii Somalia iyo waxa uu arrintan ka yiri.

Kenya iyo Somalia ayaa sanadihii dambe isku hayey arrimo badan, balse DF Somalia oo todobaadyadii dambe xiisadda sare u qaadday ayaa lagu dhaliilayaa inaysan walba si ku filan ula xaalin Kenya, iyadoo aan qiilkeeda si xirfadi ku jirto aan u iib gaynin.

Hadalsame Media