ARAGTIDA AQOONYAHANKA: Yaa iska leh khaladka ugu wayn qaaquullada taagan? Yaa qaaday mas’uuliyadda ma Madaxtooyada mise Maamullada?

0

(Hadalsame) 10 Feb 2021 – Somalia ayaa waxaa haatan ka oogan xasarad siyaasadeed oo nasiib darro ah kaddib markii lagu heshiin waayey agaasinka doorashada oo aad looga gaabiyey. Haddaba yaa qaadaya mas’uuliyadda 1-aad?

Prof. Afyare Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda Qatar University ayaan caad ka saarrayn cidda iska leh eedda 1-aad, waloow sida guud ay jiraan siyaasiyiin kale oo khilaafka door wayn ka qaatay.

”In badan oo naga tirsani waa ka digaysey arrintan waana nasiib darro inaan ku dambayney meel aynaan aqoonin waxa la samayn doono. Mas’uuliyaddu waxay la taallaa DF Somalia, waayo doorashadu waa sharciyad la siiyey bilowgiiba waana ogaayeen in looga fadhiyo inay keenaan qaab ama heshiis doorasho ku dhacdo,” ayuu yiri Afyare oo ka qayb gelayey barnaamijka Inside Story ee Al Jazeera, waxaana aragtidaa ku raacay Matt Bryden.

Wuxuu sheegay in caga jiidka keenay in uu XF waqtigii ka idlaado iyada oo aan wax jid ah dalka u birbirin ay ”siyaasad ahaan tahay mid aan la aqbali karin, sharci ahaanna aan sax ahayn”, waayo Dastuurku waa cad yahay mana aha in la bedbedelo. ”4 sano kaddib waxba ma hayno, waana nasiib darro dadka halkaa nagu hoggaamiyey.” ayuu yiri Afyare.

Bryden ayaa sheegay in sidoo kale XF laga doonayey inay dhamaystirto dastuurka qaran ee qabyada ah isla markaana ay wax ka qabto amaanka sida la dagaallanka Al Shabaab oo uu sheegay inay ”dowlad hoos ah” haatan ka dhisteen Somalia si ka duwan kana xooggan sidii horay u jirtey.

Yeelkeede, Hodan Cali oo doodda ka qayb qaadanaysey ayaa sheegtay inaysan naadir ahayn inay DF bilo yar ku darsato oo Shariif sanad loogu daray, Xasanna 6 bilood, balse waxa duwani ay yihiin in aanu jirin heshiis lagu wada gaarey arrntaasi, taasoo arrinta ka dhigaysa mid naadir ah.

Hadalsame Media