(Dubai) 09 Feb 2021 – Arbaha feerka miisaanka fudud ee Khabib Nurmagomedov oo feerka ka fariistay ayaa sheegay in maadaama uu ka baxay howlihii UFC uu diiradda saari doono kubadda cagta.
Khabib ayaa UFC ka fariistay kaddib markii uu ka badiyey dhiggiisa Justin Gaethje bishii Oktoobar, isagoo haatan waqti badan ku qaata garoomada isagoo ay saaxiibbadii wehliyaan.
Khabib, 32-jir, ayaa dhowaan booqday xerada tababarka ee Spartak Moscow, isagoo xitaa la hadlay shakhsiyaad caan ka ah dunida kubadda cagta sida Cristiano Ronaldo iyo MW PSG Md Nasser Al-Khelaifi.
Wuxuu Match TV ku yiri: ‘Inaad kubadda dheelo waxay ii ahayd riyo carruurnimo, waayo waa boqoradda ciyaaraha,” ayuu yiri Khabiib oo waqti la qaatay daafaca Virgil van Dijk oo uu ku arkay Dubai isagoo ku jira soo kabashada dhaawac gaarey isla markaana saaxiib dhow la ah Ronaldo oo uu sheegay inuu aad u taageeray 9 sano oo uu ku sugnaa Real Madrid oo ah kooxda uu jecel yahay.
”Kulankii iigu horreeyey ee aan si rasmi ah u daawado 90 daqiiqadood wa dhamaadkii CL ee Real vs Juventus ee 1998 [Champions League final]. Waxaan xusuustaa in Mijatovic uu dhaliyey gool hobseed ahaa, balse waa ku badiyeen.’ ayuu raaciyey.
Yeelkeede, Khabib ayaan weli sheegin koox uu u safan doono, balse wuxuu bishii hore la kulmay MW UFC Dana White oo ay isku arkeen Fight Island, waxaana jirta rajo laga qabo inuu kusoo laabto feerka miisaanka fudud haddii uu arko ‘wax soo jiira’ dhanka UFC 257.
Hadalsame Media