Madaxwaynihii hore ee Somalia oo hadlay soona saaray war aad loogu qancay

0

(Muqdisho) 08 Feb 2021 – Madaxweynihii hore ee Somalia, Md Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qoraal gaaban oo uu kasoo saaray xaaladda cakiran ee uu dalku ku jiro xilli ay Madaxtooyadu ku fashilantay inay doorasho la isku raacsan yahay agaasinto ayaa ku baaqay in xaalka la dejiyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore eed u jeediyey MW Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo uu sheegay inuu dalka galiyey xaalad aan kala caddayn oo aan u wanaagsanayn aayaha dalka Somalia.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu dalka geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka dalka,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

Yeelkeede, wuxuu shacabka u birbiriyey in umaddu ay leedahay hal door dhibkan uga gurman kara oo ku filan inay xaaladdu caadi kusoo noqoto.

“Somalia waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag,” ayuu daba dhigey Xasan Sheekh.

Lama oga halka ay wax ku dambayn doonaan, balse waxaa ay dadka waxgaradka ihi ku baaqayaan in la is dejiyo oo uu maanka toosani adeego, si aan looga darin.

Hadalsame Media