(Milano) 07 Feb 2021 – Jookarka waaya aragga ah ee Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey goolkiisii 500-aad ee heer naadi kaasoo uu daba mariyey goolwalaha Crotone ee Cordaz.
Ibra ayaa waayihiisa ciyaareed kusoo bilaabay kooxda Malmö FC ee ka dhisan koonfur Galbeed Sweden oo uu kulan bilowgiisii u saftay 1999-kii, isagoo haatan oo uu 39 jir yahay u dheela Rossoneri.
Aynu dib u eegis gaaban ku samayno kooxaha uu usoo dhaliyey iyadoo loo raacayo sidii ay u kala horreeyeen:
- MALMÖ (1999-2001): 18 gool
- AJAX (2001-2004): 48 gool
- JUVE (2004-2006): 26 gool
- INTER (2006-2009): 66 gool
- BARCELLONA (2009-2010): 22 gool
- MILAN (2010-2012): 56 gool
- PSG (2012-2016): 156 gool
- MAN UNITED (2016-2018): 29 gool
- LA GALAXY (2018-2019): 53 gool
- MILAN HADDA (2020-presente): 26 gool
- GUUD AHAAN MILAN: 82 gool
Aynu eegno markanna iyadoo loo kala hormarinayo sida ay u kala badan yihiin goolashu, iyadoo ay PSG 1-aad ku jirto.
- PSG: 156 gol
- MILAN: 82 gool
- INTER: 66 gool
- LA GALAXY: 53 gool
- AJAX: 48 gool
- MAN UNITED: 29 gool
- JUVE: 26 gool
- BARCELLONA: 22 gool
- MALMÖ: 18 gool
Hadalsame Media