
(Hargaysa) 07 Feb 2021 – Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaa war Somaliland ku tilmaamaya qayb ka tirsan Somalia, iyadoo amaanaysey afar shabeel oo ah nooca loo yaqaan Haramcadka oo ka mid ah gacalooyinka dabar go’i raba oo lagu qabtay Hargaysa.
Yeelkeede, Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Guuraaga ayaa soo retweet garaysay qoraalka Maraykanka oo ay ka yara caroodeen.
”Mahdin. Waan qiimaynaynaa in aad aqoonsateen shaqada wacan ee laga qabanayo Somaliland. Isla mar ahaantaa, waa in aannu tilmaannaa in Hargaysa ay tahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland sinaba aan loo xiriirin karin Somalia.” ayay daba dhigeen.
Waloow siba loola xiriirin karo oo ay ugu yaraan wada Soomaali yihiin.
Wasaarad Dibadeedka Maraykanka ayaan iyadu go’aan ka gaari karin inay Somaliland tahay Jamhuuriyad madax bannaan marka la eego xeerka caalamiga ah.