(Hargaysa) 05 Feb 2021 – Maamulka Somaliland oo dhowaan la kulmay Ergayga QM ee Somalia, Mr. James Swan, ayaan wax heshiis ah la gaarin samaynta xayndaab iskaashi oo ay ku wada shaqeeyaan maamulkaasi iyo QM.
Sida ka muuqata qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa shuruud adag ku xirtey wada shaqaynta ay la yeelanayso QM iyagoo dalbaday in loola dhaqmo sidii dal ka madax bannaan Somalia inteeda kale, sidaa darteed, waxay hakiyeen dhamaanba ka qayb qaadashada barnaamijka QM ee UNCF oo ay Somalia u saxiixday DF Somalia.
”Jamhuuriyadda Somaliland marna kama tirsanayn Federaalka Somalia xiriir toos ahna lama lahayn Somalia. QM waa inay Somaliland ula dhaqantaa dal gaar ah, iyadoo xurmaynaysa madax bannaanideeda gayi iyo aaya ka talinteeda.” ayaa lagu yiri warbixin ka kooban 7-bog oo loo diray QM.
Yeelkeede, QM ayaa Somaliland dareensiisey inay u arkaan qayb ka mid ah Somalia, iyadoo booqashada Mr. Swan ay ka horreeyeen kuwo kala duwan oo uu ku kala bixiyey gobollada dalka ee ka tirsan Federaalka Somalia oo dhan.
Hadalsame Media