”Dhexdhexaad ayaan ka nahay!” – Jabuuti oo iska fogeysey eedda ay u jeedisey DF Somalia

0

(Jabuuti) 28 Jan 2021 – Dowladda Jabuuti ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saatay iskaga fogeysey eed ay u jeedisey Dowladda Somalia.

Jabuuti ayaa sheegtay inay u wada qoor dhiibteen dalalka Somalia iyo Kenya oo ay booqdeen 9-13 bishan Jannaayo, iyadoo sheegtay inay shaki yari ku jirin sida ay u qabteen howsha oo ay ku tilmaameen mid loo qabtay mid ”xirfadlenimo iyo dhexdhexaadnimo” ku dheehan tahay.

Waxay sheegeen inay wax kasta u qabteen si ay u dhexdhexaadiyaan labada dal ee is haya, balse ay misna ka go’an tahay xaqiijinta nabadda, amaanka iyo xasilloonida Somalia oo ay usii dagaallami doonaan.

Hadalsame Media