”Waxaa lagu qoray in Qadar la gaynayo balse wuxuu nagala soo hadlay Eritrea!” – Xogo cabsi leh oo kasoo kordhaya askarta wacaalkooda la la’yahay

0
MOGADISHU, SOMALIA - NOVEMBER 28: Newly graduated Somalian soldiers display their skills at the graduation ceremony after receiving training period from Turkish military training academy, Somali Turkish Task Force Command, in Mogadishu, Somalia on November 28, 2019. Newly graduate 363 Somalian soldiers took their diplomas. (Photo by Sadak Mohamed/Anadolu Agency via Getty Images)

(Muqdisho) 22 Jan 2021 – DF ee Somalia iyo dhiggeeda Itoobiya labaduba waa dafireen in ay ciidamo Somalia u dhashay ay ka qayb galeen kuna dhinteen dagaalka Tigraay, yeelkeede, arrintu halkaa waa ku hakan la’dahay, waayo waxaa muuqda farqi wayn.

Ma cusba in dhallinyaro Soomaali ah dibedda loogu qaado tababar oo waxaa horay loo eegey dalal badan oo uu xitaa Maraykanku ku jiro, qaar badanina waxay haatan ku maqan yihiin Turkiga, balse mar kasta wacaalkooda waa la heli jirey oo ehelkoodu waa ka war hayn jireen — si ka duwan kuwa la sheegay in la geeyey Eritrea oo uu xaalkoodu mugdi yahay min bilow ilaa dhamaad.

Warqaadyada Mail & Guardian ayaa sheegay inay la hadleen ehelada ciidamadan ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna midkood sheegay inuu walaalkii markii ugu dambeysey maqlay 2 bilood kahor isagoo ku sugnaa xero ciidan oo ku taalla meel 60 km ka baxsan caasimadda Casmara.

Wuxuu ahaa arday dhiganayey Jaamacadda University of Somalia oo baranayey culuunta kombiyuutarka, kaasoo dhamaadkii 2019-kii lagu qaaday in la siinayo tababar ciidan si uu wax uga sugo amaanka Koobka Adduunka Qadar.

Yeelkeede, muddo warkiisa lama maqal ilaa uu markii dambe kasoo wactamo dalka Eritrea, isagoo u sheegay inuu halkaa kula xaraysan yahay Soomaali badan, wuxuuna haatan walaalkii is waydiinayaa in loo diray Itoobiya iyo in kale, sida ay warbixintu sheegayso.

“Waa sir furan in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababarayo Eritrea, waayo tafaasiishu waa mid qarsoodi ah, taasoo keentay in la isla dhex maro ku tiri kuteen badan iyo xogo khaldan.” ayuu ka digey Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group.

Wuxuu ku dooday in la is waydiinayo ujeedka ciidamadan, in tusaale ahaan ay yihiin ciidan loo tababarayo iskaashi amaan oo ka dhexeeya labada dal ama inay tahay wax u dhexeeya labada nin ee kala xukuma labada dal, taasoo hadhoow qaabayn doonta sida ay ciidankani u dhaqmi doonaan marka ay kusoo laabtaan Somalia.

Nin kale oo aan magaciisa bandhigin ayaa sheegay, in walaalkii loo diiwaan geliyey Ciidanka Xoogga bishii Nofeembar ee 2019-kii, balse wacaalkiisa mar qura la waayey bishii Maarso ee 2020-kii, isagoo tilmaamay in khabarka dhallinyarada la sheegayo inay Itoobiya ku le’deen ay cabsi cusub ku beerayso.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media