Turkiga ayaa ku guuleystey tijaabada bas bilaa darawal ah oo uu soo saaray & sida uu u shaqeeyo + Sawirro

0

(Istanbul) 21 Jan 2021 – Turkiga ayaa ku guuleystey wejiga 2-aad ee tijaabada baskii ugu horreeyey oo ah nooca is wada ee darawal la’aanta ah.

Tijaabada ayaa ka koobnaan doonta geeddi socod 4 weji ah, iyadoo baskan oo ay samaysay shirkadda Otokar markan lagu tijaabinayey qalab software ah oo ka saacidaya inuu kaligii magaalada maro.

Waxaa tijaabadan oo lala kaashaday jaamacadda Istanbul ku taalla ee Okan University, waxaa lagu qancay bandhigga baska kaddib daraasad 3 sanadood soconaysey, iyadoo ay Otokar sidoo kale tahay shirkaddii ugu horreeysey ee Turki ah ee farsamaysa bas koronto ku shaqeeya.

Gaariga oo adeegsanaya xisaabta algorithm-ka ayaa awood u leh inuu ka leexdo wixii kasoo hor baxa, inuu u istaago rakaabka taagan boosteejada, inuu iska jiro kana istaago dadka maraya dameer-farowga jidka laga jaro, xitaa haddii ay si deg deg ah oo khalad ah u hor maraan, iyadoo la tiigsanayo in gaarigan la adeegsan karo iyadoo ay aad u yar tahay cabsiga laga qabo shil dhaca, sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Otokar, Serdar Görgüç.

Rakaabka ayaa marka ay doonayaan inay baska ka degaan waxay kaliya taabanayaan badhanka ”joogso” ee ku dheggan kuraastooda, wuxuuna basku la soconayaa samaafaraha iyo calaamadaha jidadka.

Hadalsame Media