Wax kasta oo aad uga baahan tahay munaasabadda caleemo saarka ah (Maxaa dhici doona caawa?)

0

(Washington DC) 20 Jan 2021 – Waa maalintii ugu dambaysey ee abid la arki doono MW Trump oo maamulaya dalka Maraykanka.

MW dooran ee Joe Biden ayaa caawa fiidkii loo dhaarin doonaa MW 46-aad ee dalka Maraykanka, isagoo dhaxlaya dal kala qaybsan oo uu la degey cudur dilaa ah oo ugu darsamay qaaquullooyinka siyaasadeed ee uu dhigay Donald Trump.Waxaa sidoo kale dhaaran doonta MW Xigeenka Kamala Harris oo Washington DC ka noqonaysa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee xilkaa abid qabta, munaasabad aanu dadwaynuhu joogin oo ay ilaalin doonaan 25,000 oo askari.

Donald Trump oo diidey inuu ka qayb galo munaasabadda caleemo saarka ah ayaa u duulaya Gobolka Florida.

SIDEE WAX U DHACAYAAN?

Mr Biden ayaa waxaa dhaarin doona Garsooraha Maxkamadda Sare, John Roberts, iyadoo Covid-19 dartii aanay jiri doonin saxmaddii shacabka oo sidoo kale ay uga sii dartay meel ka dhicii lagu sameeyey amaanka caasimadda 6-dii Jannaayo.

Waxaa munaasabadda soo xaadiri doona 3 madaxwayne oo hore – Barack Obama – oo uu Biden ku xigeen u ahaa – Bill Clinton iyo George W Bush.

MW Xigeenka xilka bannaynaya ee Mike Pence oo buuxinaya booska uu ka caroodey Trump ayaa isagu xafladda joogi doona, isagoo ka maqnaan doona munaasabad lagu sagootinayo MW Trump oo ka dhacaysa saldhig ciidan oo ku yaalla bannaanka caasimadda.

Kaaliyeyaasha Biden ayaa sheegay in ay u badan tahay inuu Mr Biden jeediyo khudbad qaadan doonta 30 daqiiqadood oo uu ku doodayo inuu bulshada ugu baaqo midnimo qaran, maadaama uu ninkii ka horreeyey halkaa ka abuuray daruur nacayb ah oo haatan dalkaa hareeynaysa.

Waxaa munaasabadda ka tumi doona fanaaniinta kala Lady Gaga – oo qaadi doonta astaanta qaranka – Jennifer Lopez iyo Garth Brooks.

Waxaa fiidkii ruwaayad lagu qaban doonaa Lincoln Memorial taasoo uu agaasimayo jilaaga Tom Hanks ayna qayb ka yihiin Bruce Springsteen, John Legend, Jon Bon Jovi, Justin Timberlake, iyo Demi Lovato.

Mr Trump oo noqday MW ugu horreeyey ee caleemo saarka qaaddaca tan iyo 1869-kii oo uu tabtiisa yeelay Andrew Johnson oo qaaddacay Ulysses S Grant, ayaa lagu sagootin doonaa saldhig cireedka Joint Base Andrews ee Maryland kahor inta aanay dayuuradda Air Force One u gelbin beerta nasiinada ee Mar-a-Lago oo ah meel xeegada lagu dheelo oo ku taalla Palm Beach.

Trump ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee xilkiisa uga faa’iidaystey cafinta dad gaaraya 140 qofood oo isaga olog la ahaa waxaana ka mid ah ninkii isaga la taliyaha u ahaa ee Steve Bannon, oo lagu haysto been abuur iyo musuq. Wuxuu sidoo kale cafiyey fannaanka Lil Wayne, Kodak Black iyo Duqii Magaalda Detroit, Kwame Kilpatrick.

HALKEE KU SUGAN YAHAY BIDEN?

Mr Biden ayaa caadiyan tareenka Amtrak usoo raaca Washington DC marka uu kasoo baxayo magaaladiisa Wilmington, Delaware, yeelkeede, xaaladda amaan oo la adkeeyey darteed wuxuu soo qaadan doonaa dayuurad khaas ah oo ka dejin doonta Joint Base Andrews.

Maadaama aanay dad shacab ihi kasoo qayb geli doonin caleemo saarka waxaa lagu maamuusay 200,000 oo calan Maraykan oo la safay meesha bannaan ee u dhaxaysa Washington Monument iyo rakada Aqalka Koongarayska ee Capitol Hill oo aalaaba lagu qabto caleemo saarka, kuwaasoo u taagnaan doona dadka seegaya kasoo qaybgalka munaasabaddan.

Flags are placed on the National Mall, looking towards the Washington Monument, and the Lincoln Memorial, ahead of the inauguration of President-elect Joe Biden and Vice President-elect Kamala Harris, Monday, Jan. 18, 2021, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media