”Dharbaaxooyinka aan Pirlo la dhacey aabbihiis xitaa abid kuma dhufan!” – Gattuso oo ka sheekeeyey wixii ay isla mareen Pirlo

0

(Napoli) 19 Jan 2021 – Gennaro Gattuso ayaa ka hadlay saaxiibnimada kala dhexeeysa Andrea Pirlo oo berri isku hayaan kookbka Supercoppa, oo dhexsanaya Napoli iyo Juventus waloow ay 10 sanadood u wada dheelayeen kooxda AC Milan.

Gattuso ayaa sheegay inay kahor iskala bilaabeen xulalka da’yarta Talyaaniga iyagoo 15-16 jir ah, sidoo kalena ay isla qaadeen Koobka Adduunka, halka ay dhanka Milan isla qaadeen koob kasta oo loo tartamo.

ave ‘changed identity’ over six months and won’t be lulled into a false sense of security.

“Waxaan nahay saaxiibbo waqti cajiib ah soo wada qaatay, berri waxaa na dhex taalla ciyaar, ninkii wanaagsani ha badiyo, balse kaddib firimbiga dhamaadka waxaan ahaanaynaa saaxiibo.” ayuu yiri Gattuso oo sidoo kale ku abaal sheegtay Pirlo gaar ahaan markii uu noqday nin regista ah oo ka hor dheela daafaca oo uu isagu kubadda u raaci jirey.

“Pirlo wuxuu buuggiisa ku qoray prank-gii uu igu samayn jirey, laftaydu se waxaan u dhiibey dhirbaaxooyin ka badan kuwa uu aabbihii abid ku dhuftay! Waxaan ahayn saaxiibbo in badan sheekaysta ciyaarta kaddib, waloow uu mararka qaar ahaa nin ka xanaajis ah.” ayuu raaciyey Gattuso oo sheegay inay dhanka macallinnimada fikrado badan wadaagaan sida in kubadda gadaal laga soo bilaabo.

Pirlo ayuu sanadkani u yahay kiisii 1-aad ee uu layliyo koox rasmi ah, waloow uu Gattuso soo layliyey kooxo badan oo ay ku jirto middii ay usoo wada dheeleen ee AC Milan.

Hadalsame Media