Dal Muslim ah oo bilaabay inuu qandaraasyo siiyo sharikaadka dhismaha ee Turkiga

0

(Baku) 19 Jan 2021 – Madaxda Azerbaijan ayaa sheegtay in dalkoodu uu muhiimad gaar ah siin doono dib u dhiska iyo horumarinta gobolka dhowaan Armenia laga xoreeyey ee Nagorno-Karabakh, iyadoo sharikaadka Turkiga ee dhismuhu ay noqon doonaan kuwo 1-aad ee howshaa qaban doona si loo wanaajiyo kaabayaasha gobolkan oo 30 sano ku jirey gacanta Armenia.

Baku ayaa markii ay xoreeysay sanadkii tegey ku dhaqaaqday dib u dhiska Nagorno-Karabakh oo kasii kooban 7 gobol hoosaad, kaasoo ah gobol dambeeya maadaama ay haysatey Armenia oo ah dal ka faqrisan Azerbaijan.

Dowladda ayaa u gogol xaaraysa inay gobolka kusoo laabtaan dadka Azeri-ga ah ee halkaa ka qaxay iyadoo wada mashaariic horumarineed oo horumarin iyo fursad abuuris ah oo uu amray MW Ilham Aliyev.

Dowladda Baku ayaa doonaysa inay meesha ka saarto jiirooyinka howl-xafiiseedka iyo xayndaabyada la socda (bureaucratic barriers) taasoo sharci sahlaya laga soo saarayo si loo fududeeyo maalgashiga caalamiga ah iyo sharikaadka qalaad ee dhismaha ka qayb gelaya.

Yeelkeede, waxaa muhiimadda 1-aad mar kasta yeelan doona shirkadaha Turkiga ah oo ka mid ah kuwa dunida ugu wanaagsan dhanka dhismaha.

Hadalsame Media