”Sharafle Recceb-oow!” – MW Faransiiska oo farriin debecsan usoo qoray MW Turkiga & kulan ballansan

0

(Ankara) 16 Jan 2021 – Madaxwayanayaasha Turkiga iyo Faransiiska ayaa waraaqo is dhaafsaday iyagoo ku heshiiyey inay xiisadda qaboojiyaan isla markaana yeeshaan wadahadallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo aad u xumaanayey bilihii tegey.

MW Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa farriin sanadka cusub ku saabsan u qoray dhiggiisa Faransiiska ee Emmanuel Macron, isagoo Faransiiska uga tacsiyeeyey weerarro uu la kulmo sanadkii tegey, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka Mevlut Cavusoglu oo arrintan ka hadlay shalaytoole.

Macron ayaa isna warqad kale oo “togan” kusoo jawaabey todobaadkan, isagoo warkiisa ku bilaabay “Qaali Receb” isagoo soo dhoweeyey inay kulan yeeshaan labada dhinac, sida uu sheegay isla Cavusoglu.

“MW Macron wuxuu muujiyey muhiimadda ay Turkigu u leeyihiin Yurub iyo rabitaankiisa ku aaddan xiriir wanaagsan oo uu la yeesho, isagoo ogolaaday kulan uu la qaato madaxwayneheenna xilliyada soo socda.” ayuu yiri Cavusoglu.

Macron ayaa jawaabtiisa sidoo kale ku jeex jeexay in ay labada dhinac iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin wada tashiyada ku saabsan argagixisada, arrimaha gobolka gaar ahaan Suuriya iyo Libya iyo dhanka waxbarashada.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa iyaduna ka hadashay jiritaanka waraaqahan la is dhaafsaday, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay ”isbeddelo la taaban karo”.

Warkan ayaa ka duwan midkii bilihii dambe laga maqlayey MW Faransiiska oo adeegsanayey fan-hadal ka dhan ah Turkiga iyo guud ahaanba dunida Muslimka, kaasoo meel xun gaarey kaddib markii ay dalal badan oo Muslim ihi go’aamiyeen inaysan iibsan badeecooyinka iyo adeegyada Faransiiska oo markaa kaddib is qaboojiyey.

Hadalsame Media