XOG: Turkiga & Qadar oo Somalia ku canaantay hal dhinac oo ay habacsanaani ka jirto + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Jan 2021 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Md Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qadar ee magaalada Muqdisho.

Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qadar oo kala ah Md Mohmet Yelmez iyo Md Hassan Hamza ayaa RW Rooble kala hadlay arrimo dhowr ah oo dalalkan kala dhexeeya Somalia oo haatan xiriir wanaagsan la leh.

Sida uu sheegay Afhayeenka XF, Md Maxamed Macallimuu, waxaa laga wada hadlay amaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhismo ka waddo shirkad Turki ah oo dhisaysa jidka laamiga ah oo haatan gebagebo maraya, kaasoo ay maalgelinayso dowladda Qadar. Wejiga 2-aad waa jidka isku xira Muqdisho & Joowhar.

Yeelkeede, warar madax bannaan oo aannu helayno ayaa sheegaya in XF lagu canaantay inaysan kasoo dhalaalin sugitaanka amaanka jidkaasi oo markii 3-aad la qarxiyey dhibaatana la gaarsiiyey dad shacab u badan iyo injineerradii dhisayey oo ay ku jiraan kuwo Turki ah, iyadoo XF lagu eedeeyey inaysan samaynin hab-raac amaan oo xirfad iyo waayo aragnimo ka muuqato.

Warar kale oo aannu helayno ayaa sidoo kale sheegaya in XF lagala hadlay inay xalliyaan muranka ka taagan doorashada si dalka looga qabto doorasho xor ah.

Hadalsame Media