DAAWO: Shiinaha oo ”sameeyey” xiddig macmal ah oo 6 jeer ka kulayl badan gunta hoose ee qorraxda

0

(Hefei) 12 Jan 2021 – Qiyaas haddii uu insaanku maaro u helo inuu bedelo adeegsiga shidaalka ee uu helo hab kale oo la cusboonaysiin karo oo laga helo tamarta loo baahan yahay iyadoo la adeegsanayo tamarta xiddig macmal ah? Waxaa tijaabadaa dadka wada ka mid ah Shiinaha oo tijaabo ku wada Barnaamijka EAST ama Experimental Advanced Superconducting Tokamak.

EAST waa tamar dhaliye ku yaalla Hefei, China, kaasoo ku shaqaynaya hannaanka tiknolojiyadda cusub ee nukliyeerka ee loo yaqaanno fusion taasoo ka dhigan in atamada yar yar la isku dhejiyo si ay mid wayn u noqdaan, halka nidaamka iminka jira ee Fission-ku uu adeegsado hannaan atamada waawayn lakalala qaybinayo oo laga dhigayo kuwa yaryar.

In atamadan yar yar lakala qaado ama la isu keeno ujeedka laga leeyahay waa in laga dhaliyo tamar aad u badan, iyadoo marka la eego tiknolojiyadda fusion-ku aysan sahlanayn sababtuna waxay tahay inay labada atam ee la doonayo in la isu keeno ay leeyihiin laba astaan danabeed oo wada togan (positive charge), taasoo keenaysa inay kala cararaan.

Xiddigaha sare oo ay qorraxdu ka mid tahay waxay kala cararkaas ku xalliyaan cufkooda aadka u wayn, oo keena inay gunta hoose ku sameeyaan cadaadis aan caadi ahayn, taasoo atamada ku khasabta inay isu yimaadaan oo isku dhacdhacaan, halkaasina ay tamar xooggani ka timaado, balse waxaa jira hal dhibaato: dunida kama jirto weli tiknolojiyad dhalin karta cadaadis intaa la’eg si ay atamadan isku astaanta ihi iskugu khasbanadaadaan.

Nasiib wanaag se waxaa jira qaab kale. Waxaa fusion lagu samayn karaa haddii la abuuro heerkul aad u sarreeya, iyadoo markii uu heerkulku aad u kordho ay keenayso inay atamadu fududaadaan oo ordaan kaddibna isku dhacaan. Taasina waa waxa ay haatan ku fooggan yihiin mashaariicda doonaya inay iqtiraacaan tiknolojiyadda fusion-ka oo weli bilow ah sida midka EAST ee Shiinaha. South Korea iyo Maraykanka iwm ayaa sidoo kale wada.

Yeelkeede, heerkulka ugu wanaagsan in atamada isku astaanta ah la isku khasbo waa mid aanay sahal ahayn in la buuro waana 100 milyan oo degrees Celsius. Taasoo 6 jeer ka kulul gunta hoose ee qorraxda.

Dhowr jitaabo oo fara ku tiris ah ayaana taasi u suuragashay waxaana ugu dambeeyey EAST oo heerkulkaa sameeyey muddo 10 ilbiriqsi oo qura ah kahor inta aan la damin reactor-kii waayo weli maaro looma helin qaab lagu sii joogtayn karo heerkul 100 milyan oo digrii ah, taasoo ka dhigan in weli uu jid dheeri naga xigo in laga jiba keeno farsamadan cusub, balse haddii lagu guulaysto waa laga raysan doonaa farsamada nukliyeer ee iminka oo uu aad uga nadiifsan yahay cimilo ahaan iyo caafimaad ahaanba, waayo siima daayo kaah-fallada halista ah ee haraaga nukliyeerka maanta.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media